Masaajidyada iyo Kaniisadaha Kenya Oi laga cawday Codka kasoo baxa goobahooda

Kaniisadaha iyo masaajidda ku yaalla magaalada caasimadda u ah dalka kenya ee Nairobi,ayaa lagu booriyey inay ka fakaraan yareynta codka xoogan ee kasoo baxaya goobahooda.

Bartiisa twitter-ka,ayuu barasaabka ismaamulka magaalada Nairobi ee, Johnson Sakaja, ku sheegay inuu wada hadal la yeelan doono hoggaamiyeyaasha diinta, si loo xakameeyo heerka codadka.

Magaaladu,ayaa waxay dhawaan mamnuucday goobaha lagu caweeyo ee sawaxanka xoogga leh ay kasoo baxayaan, gaar ahaan kuwa ku yaalla goobaha deegaanka ah, ka dib cabasho ka timid dadka deegaanka oo ku saabsan buuqa iyo sawaxanka.

Dad badan ayaa dalbaday in sidan oo kale loo mamnuuco codadka kasoo baxaya goobaha cibaadada.

Sakaja ayaa yiri: “Xitaa goobaha lagu caweeyo, kuma aanan bilaabin in aan xirno. Waanu la hadalnay waqti ka dib, way ogolaadeen inay u hoggaansamaan, laakiin qaar ayaa iska dhego tiray. Kadibna tallaabo ayaan qaadnay.”

Horaantii Khamiista Gudoomiyaha,ayaa sheegay inuusan xiri doonin goobaha cibaadada, balse taa badalkeeda uu bilaabayo wada xaajood uu la yeelanayo hoggaamiyayaasha cibaadada.

Nayrobi,ayaa waxaa ku yaal tiro badan oo kaniisado laga wacdiyo, halkaas oo muusiga qaylada badan uu ku badan yahay xilliga cibaadada.