Qiimayn lagu samaynayo Mashruuca “Waa Iftiin” Ee Waxbarashada Puntland

Hay’adaha taageera mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin,ayaa kormeeray goobaha waxbarashada ee uu mashruucu horey uga socday iyo waxyaabihii u qabsoomay mashaariicdii hore.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adda Care iyo Save oo wadaaga mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin ayaa soo kormeeray dugsiga sare ee Gambool, Kulliyadda Tababbarka Macallimiinta ee GTEC, iyo dugsiga dhagoolayaasha ee Garowe.

Ujeedka kormeerkan,ayaa ahaa mid loogu kuurgalayey wajigii 3aad ee mashruuca wkxii laga hirgaliyey iyo sida looga faa’iidaystay mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin.