Gudiga Doorashada Puntland Oo iska Indhotiraya soo jeedintii Ururada

Gudiga Doorashada Puntland,waxuu iska indhotirayaa soo jeedintii Ururada Siyaasada iyo aqbalidii Madaxweynaha.

Shaqadiisii jadwalsanayd,ayuu uwataa si caadiya Gudigu.

Sida muuqata Madaxweynaha,ayaa ka dhex hadlaya,waxuuna Gudigu fulinayaa Laba Wajiilaynta Madaxweynaha si dadban.

Dhaliisha ugu weyn ee hab dhaqanka khaldan ee Gudiga Doorashada,waxaa leh masuuliyadiisa Gudoomiyaha Gudiga oo umuuqda in uu toos ugu jiro Jeebka Madaxweynaha.

Balse Gudoomiyuhu,waxuusan ogayn in isaga ay ku filan tahay oo kaliya Ururada oo soo jeediya in aan lagu kalsoonaan karin oo uusan dhex-dhexaad ahayn.

Madaxweyne Deni waa danayste markuu Siyaasada Qofka ku adeegto hadana ku Kaarta baxa oo dilistiisa xalka ka dhiga.

Waa khasab in soo jeedinta Ururada loo hakado lana hakiyo shaqo kasta oo kale oo ay Gudiga Doorashadu hayaan.

Jibril Qoobey.