Miisaaniyad daboolan Oo Baarlamaanka Jubaland ansixiyay

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo uu waheliyo Gudoomiye ku-xigeenka Labaad Cabdi Baaley Xuseyn,ayaa maanta shir Guddoomiyey kalfadhiga 4-Aad fadhigiisa 6-Aad ee Baarlamaanka Jubbaland.

Kulanka oo ay soo xaadireen 52-Mudane,ayaa Ajandihiisu ahaa ka doodista iyo ansaxinta miisaaniyadda 2023.

Dood iyo falaqeyn ka dib waxaa Xildhibaanada Golaha wakiilada ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2023.

50 mudane,ayaa “HAA” ku codeeyay,waxaana ka aamusay 2-Mudane, wax didayna ma jiran.

Miisaaniyadan lama waadixin inta ay dhan tahay,sida loo kala leeyahay,halka ay ka kala imaanayso gudo iyo dibad.

Waxay umuuqataa mid la qariyay oo si mugdi ah lagu meelmariyay,inkastoo Dad badan ay qabaan in aysan jirin Miisaaniyad macno leh oo JL soo bandhigi karto.

Awooda Maamulka,ayaa weli ku kooban Magaalada Dekeda ah ee Kismaayo,taasoo iyadana dhaqdhaqaaqeeda ay xayirtay cunaqabataynta Alshabaab.