Maxay ahaayeen Diyaaradihii Mileteri Ee ka degay garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo?

Laba Diyaaradood oo kuwa Qumaatiga ukaca ah,ayaa Sadex Habeen ka hor Abaare 12-kii Habeenimo Saacada Somiya ka degay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

Diyaaradahaas,waxaa saarnaa Ciidamo Maraykan ah oo lagu qiyaasay 20-meeyo.

Ujeedka socdaalkoodu,waxuu ahaa xoojinta dagaalka argagixisada iyo hawlgal lagu qaadayo Saldhiga ugu weyn argagixisada ee Xarardheere.

Ciidamada Maraykanka,ayaa ku hawlgalaya Diyaaradaha Drones-ka,iyagoo kaabaya Ciidamada Danab,Mileteriga iyo kuwa Deegaanka.

Fariisinka ay ka duulayaan,ayaa noqonaya Xerada Ciidamada Puntland ee Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

Isfahan waa koobnaa oo soo kala dhexgalay Ciidamada PL iyo kuwa Maraykanka,ayaa hakadgeliyay Diyaarad subixii u imaan lahayd Ciidamada Maraykanka.

Isfahan waagaas,ayaa ugu danbayn,waxaa soo faragelisay Madaxtooyasa PL oo xalisay.

Jibril Qoobey.