Axmed Madoobe Oo ka caga jiidaya qayb ka noqoshada dagaalka Alshabaab

Madaxweyne Axmed,waxaa haysta dhibaato ku aadan sida uu ugu biiri karo dagaalka argagixisada.

Ciidamada uu haysto waa kuwo ubadan Hal Beel mana aaminsana Beelaha kale ee reer Jubaland.

Kama barbar dagaalamayaan Ciidamada Beelaha kale ee muhiimka u ah dagaalka argagixisada Ciidamadiisa.

Wal-walka kale ee haystaa waa in awoodu ay gacantiisa ka baxdo hadii Jubaland Kismaayo ka waynaato.

Haatan,waxaa laysla wadaa in Ciidamadiisu ay ka bilaabaan hawlgallo la dagaallanka argagixisada ah Deegaamada Kismaayo ku hareeraysan.

Dowlada Fadaraalku waxay ku caawin doontaa Rasaas iyo Shidaal.

Ugu yaraan hawlgalladaas,waxay mashquulinayaan argagixisada oo ku furayaan furin Cusub oo Jubooyinka ah.

Jibril Qoobey.