Ciidamada Dowlada Fadaraalka Oo gudaha ugalay Aadan-yabaal

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellada Dhexe,ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda federaalka Somaliya ay galeen Degmada Aadan Yabaal.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Deegaanka,ayaa u sheegay idaacadda in ay Ciidanku gudaha u galeen ayna samaynayaan miino-baaris.

Ciidanka,ayaa maalmahan kaabiga ku hayey Aadan Yabaal, oo ka mid ah laba magaalo oo ka tirsan Gobolkaas oo weli kusii jiray gacanta Al-Shabaab.

Ciidanbka,ayaa la sheegay in ay galeen magaalada iyadoo uusan dagaal ka dhicin.

Maalmo kahor, Ciidamada,ayaa qabsaday degaano dhowr ah oo ka mid ah Gobolka, kuna dhow Degmada Aadan Yabaal.