Gulufka Xarardheere uma fududa sida loo filayo.!!

Xarardheere waa Saldhig sal weyn,istiraatiijiya oo argagixisadu leedahay oo ay ujoogaan ku dhawaad 2000 oo Maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 200 oo ismiidaamiyayaal ah,Tikniko,Hub iyo Saad fara badan.

Dhawr jiho,ayaa laga geli karaa Xarardheere oo kala ah..

1.Wisil
2.Baxdo
3.Qaayib.

Mid walba,waxay ujirtaa Xarardheere ugu yaraan 130-km.

Masaafadaas 150-ka km ah ee udhaxaysa Magaalooyinkaas iyo Degmada Xarardheere,waa Dhul dhibadan oo leh…

1.Buuro.
2.Togog.
3.Boholo Bacaad ah.

Xarardheere,waxaa lagu tilmaami karaa meesha ay ku taalo markii la qiimeeyo Gal-galadii Labaad ee Somaliya.

Shabaab Dhulka ka sokeeya Xarardheere,waxay meelo badan oo ka mid ah ku aasteen Hub,Biyo iyo Raashin si hadii laga soo saaro Xarardheere ay ugu noqdaan Saldhigyo Kmg ah.

Markii si dhab ah loo qiimeeyo hawlgal lagu xoraynayo Xarardheere in la qaado,waxaa loo baahan yahay ugu yaraan 15-kun oo Askari oo ay wax walba udhamaystiran yihiin haystana taageero caalami ah.

Balse hawlgelinta Maleeshiyaadka Beelaha sida kuwa Beesha Sacad ee Wisil fadhiya sida fiicana u abaabulan oo lagu kabo Beelaha kale ee Habar-gidir iyo Ciidanka Danab,waxay keenaysaa in lasii mashquuliyo argagixisada Xarardheere.

Dagaalka argagixisadu waa masiiri.

Jibril Qoobey.