Madaxweyne Deni iyo masuuliyiin sare Oo Maraykan ah Oo ku kulmaya Xalane

Kulanka Madaxweyne Deni iyo masuuliyiinta Maraykanka ee Xalane,waxuu daaran yahay amniga.

Si gaar ah Puntland,waxaa looga rabaa in ay garab xoog badan ka muujiso hawlgalka Gobollada Dhexe.

Xarardheere,waa Saldhiga Labaad ee argagixisada marka laga soo tago Jilib,waana halka hada loo diyaar garoobayo gulufkeeda.

Puntland waxaa ku yaal Garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo oo muhiim u ah gulufkaas.

Dhanka kale dagaalka lagula jiro argagixisada sidii la rabay uguma dhex muuqdaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Si gaar ah Madaxweyne Deni,waxuu saamayn ku leeyahay Madaxweyne Laftagareen oo la rabo in lasoo geliyo dagaalka argagixisada.

Sida la filayo Deni is afgarad,ayuu kala soo laaban doonaa Xalane.

Jibril Qoobey.