Maxay kawada hadlayaan Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Deni?

Madaxweynaha Dowlada Puntland,waxuu si gaar ah ula kulmayaa Madaxweyne Dowlada Fadaraalka mudane Xasan Shiikh.

Waxay kawada hadlayaan arimo ay isku ogaayeen oo iskugu jira xilal iyo dhaqaale oo qayb ahaantood aysan ka fulin dhanka Madaxweyne Xasan.

Kulanka Xasan iyo Deni in uu beri qabsoomo ayay ubadan tahay hadii rabi idmo.

Madaxweyne Xasan,waxuu uga baaqday socdaal uu geli lahaa la kulanka Deni dartiis.

Xasan Shiikh,waxaa culays xoog badan ku ah la macmiilka Deni,sababtoo ah la mid ma’ahan Madaxweynayaasha Maamulada kale.

Deni waa hogaamiyaha Puntland-ta leh awooda Siyaasadeed ee xooga badan oo haday Saldhig unoqoto mucaaradka Xasan kasoo horjeeda khatarteeda leh.

Xasan,waxuu kaloo fahansan yahay in Dowladnimadii ay PL banaanka ka joogto,taasna ay adag tahay in la maareeyo.

Shaqada adag ee utaala Xasan Shiikh,waa haynta Deni,qancinta reer PL iyo ka ilaalinta Dowladnimada Villa Somaliya taala.

Waxa ugu weyn ee Xasan gadayo kuna xiran guushiisa Siyaasadeed waa wada shaqaynta isaga iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Jibril Qoobey.