Reer Galbeedka Oo Shidaalka Ruushka sicir go’an usameeyay

Waxaa lagu wadaa inuu dhaqan galo xayiraado Midowga Yurub ku soo rogtay shidaalka Ruushka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu dhaqan galo in 60-dollar lagu jaangooyo Barmiilkiiba shidaalka Ruushka.

Tallaabadan,ayaa waxaa Jimcihii ku heshiiyay Midowga Yurub, dalalka hodanka ah ee G-7 iyo Australia.

Waddamada reer Galbeedka,ayaa doonaya in ay xaddidaan awoodda Moscow ay ku sii wadi karto duullaanka ay ku hayso waddanka Ukraine.

Reer Galbeedku waxa ay rajaynayaan in ay yareeyaan awooda Moscow ee ah in ay dagaal ku qaadaan Ukraine.

Cunaqabateynta waxaa ka hor yimid Kremlin-ka looga arrimiyo Ruushka.

Ukraine,ayaa dhankeeda soo dhaweysay tallaabada Midowga Yurub.