Shabaab in laga xoreeyo Somaliya ma’ahan wax fudud oo qiimo jaban ku kacaya.!!

In aan dib loo dooran Farmaajo waxay ku ahayd dhabar jab iyo waxaysanba filayn Shabaab.

Waxaa jiray isfahan buuxa oo umuuqday ugu danbayn sida Daalibaanka Afgaanistaan,ayaan idinku wareejinayaa talada Dalka.

Shabaab waxii ka danbeeyay Habeenkii Farmaajo ka baxay Villa Somaliya,waxaa ubilowday wal-wal xoog badan.

Qaadashada go’aanka ah la dagaallanka Alshabaab ee Xasan Shiikh waxay ku ahayd khatar ku bilaabatay.

Haatan abaabulka xooga leh ee ku socdaa ugu yaraan waxbuu udhimay welise xanuun xoog leh ma gaarsiin.

Argagixisadii Ajaanibka ahayd iyo kuwii Beelaha aan Hawiyaha ahayn kasoo jeeday waxay ku urureen Koonfurta fog ee Dalka.

Shabeelooyinka,Hiiraan iyo Gobollada Dhexe,waxaa ka dagaalamaya argagixisadii kasoo jeeday Beesha Hawiye,kuwaasoo dhexdooda ay ka jirto buuq xoog badan.

Sadex jeer,ayaa la badalay Todobaad gudihiis Amiirka Shabaab ee Caafimaadka uqaabilsan khilaaf dhexdooda ah awgiis.

Waxaa jira in Waaxdaas lagu qaato Dhaqaale xoog badan,isla markaana daryeel xumo daran soo wajahday Dhaawacyadoodii dagaaladii uga danbeeyay.

Sidoo kale khilaaf gudaha Shabaab ah,waxaa loo badalay Amiirkii wacyigelinta.

Waxay wadaan qaraxyo iyo weeraro ismiidaamin ah oo isdaba joog ah oo ay ku qaadayaan Hotelada iyo Goobaha Shacabku ku badan yahay si ay uxanuujiyaan Dowlada oo ay uhakiso gulufkeeda.

Waxaa iyaduna door taageero u ah qaadanaysa dacaayada saxaafadeed ee Fahad Yaasiin iyo kooxdiisa Turkiga fadhida.

Balse wax walba oo ay sameeyaan hadii laga dhaga adaygo laguna sii wado gulufka,waxaa la gaari doonaa guusha.

Waxaa kala daadan doona hogaamintooda iyo isku gurmadkooda abaabulan ee sareeya.

Shabaab waxay xuleen ilaa salka hoose ee Bulshada haba ugu darnaadaan Bulshada Bartamaha iyo Koonfurta Dalka ku dhaqan.

Shabaab in laga xoreeyo guud ahaan Somaliya ma’ahan wax fudud oo qiimo jaban ku kacaya,balse waa halgan qaadan doona mudo dheer.

La dagaallanka argagixisadu waa masiiri.

Jibril Qoobey.