Turkiga iyo Norway Oo bilaabaya dhex-dhexaadinta Dowlada Fadaraalka iyo Maamulka Somaliland

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamud oo kulan la qaatay wakiillo ka kala socda dalalka Turkiga iyo Norway,ayaa u sheegay in Dowladdiisu ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso wadahadaladii u dhexeeyey dawladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Somaliland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Somaliya,ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu la wadaagay wakiilada uu la kulmay oo kala ah, danjiraha dawladda Turkiga u jooga Somaliya mudane Mehmet Yilmaz, sii hayaha xilka danjiraha Norway u jooga Somaliya mudane Haakon Svane iyo wakiilada gaar ah ee dalalka Turkiga iyo Norway, sida ay dhinaciisa uga go’an tahay in dib loo soo celiyo wadahadaladii labada dhinac.

Madaxweynaha,ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Somaliya iyo Somaliland, kuwaas oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Somaliyed.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada Dawladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Somaliland, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Somali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Somaliland.”,ayaa lagu yirii warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Somaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, wakiillada gaar ah ee Turkiga iyo Norway ee kala ah mudane Aykut Kumbaroğlu iyo Heidi Johansen iyo weliba danjirayaasha labada dal ee madaxweynuhu la kulmay ayaa dhinacooda ku bogaadiyey madaxweynaha Somaliya sida ay dhinaciisa uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolosha dadka Somaliyed oo ay ugu horrayso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta.