Lix-bilood kadib iyo hogaaminta Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Villa Somaliya

Madaxweyne Xasan Shiikh,waxuu muujinayaa hogaamin macquul ah ilaa iyo hada,waxuuna ka sareeyaa intii laga filayay.

Hogaamintiisii mudo xileedkiisii hore,waxaa looga bartay Laba dhaqan oo kala ah…

1.Musuq xuduud dhaaf ah.
2.Eex xuduud dhaaf ah.

Haatan waxaa ka muuqata bisayl,khibrad iyo in uu rabo taariikh uu ka tago.

Fahankiisa ah in uu la dagaallamo Shabaab oo weliba Bartamaha iyo Koonfurta ugu yaraan ka xoreeyo waa aragti sare.

Sidoo kale waaqicinimadiisa ah in Dalkan aysan Dowladnimo ka jirin,Bulshadu midaysnayn oo dhaqaale jirin loona baahan yahay isku wadid iyo dabacsanaan waa mid hogaamintiisa xiligan macno uyeeshay.

Dadka aysan isku Siyaasada ahayn ama uu aaminsan yahay in aysan isla jaanqaadi jarin aragtidiisa ah in uusan ku dhibaatayn horumarkooda nololeed ee caadiga ah Awooda waa mid Dad badan gadaal uga dajisay.

Xasan haduu ka tago Bartamaha iyo Koonfurta oo ka sifeeyay Boqolkiiba Lixdan ama Beesha uu ku matalo awood qaybsiga oo Shabaab ka xarowday waa taariikh uhirgashay oo lagu xasuusan doono.

Dalkan iyo Dadkan waxay ubaahan yihiin hogaamiye bisil,dabacsan,dulqaad badan,Dimuqraadiya,waaqiciya oo Dowladnimada aan u aqoon kaligii talisnimo iyo Guul wadayn.

Jibril Qoobey.