Video:-Madaxweyne Xasan Oo ku dhawaaqay in Daynta laga cafinayo Somaliya

Waa war aad loogu farxo in Dayntii Somaliya lagu lahaa ay ku dhowdahay in laga cafiyo.

Daynta oo laga cafiyo Dalka,waxay keenaysaa in aan helno maalgelin iyo dhaqaale xoog badan.

Waxay sababaysaa in Dalku guud ahaan ka gudbo xaaladii gurmadka deg-dega ahaa oo uu ugudubo horumarin iyo Mashaariic balaaran.

Waxaa qorshaysan hadii Somaliya Bilaha soo socda ay soo dhamaystirto Shuruudaha uga haray si Daynta looga cafiyo in la siiyo Dayn cusub oo Boqolaal Bilyan ah.

Madaxweyne Xasan haduu sidaa hada kusii wado hogaaminta Dalka,waxaa la gaarayaa Somaliya ka badalan mida hada jirta.

Waa muhiim la dagaallanka argagixisada iyo wada shaqaynta Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Somaliya Mustaqbal fiican,ayaa usoo iftiimaya.

Halkan ka daawo muuqaalka