Faahfaahin kulamadii Madaxweyne Deni Ee Muqdisho

Guud ahaan kulamadii Amni ee Muqdisho Madaxweyne Deni ku galay guul ayay kusoo dhamaadeen.

Dawlada Maraykanku waxay balan qaaday in ay laba laabi doonto dhaqaalihii Ciidanka Sirdoonka Puntland iyo taageerida ciribtja Nabad diidka ku sugan Buuralayda Gal-gala.

Sidoo kale kulankii Villa Somaliya,ayaa si weyn lays kula afgartay in Puntland qaadato door keeda kaga aadan la dagaalanka Nabad diidka.

Xeryaha tababarada heer federaal qaybo ka mid ah oo laga furayo Puntland,gaar ahaan kuwa Ciidamada Police-ka iyo ilaalada Xeebaha Somaliya.

Dhaqaalaha ku baxaya hirgelinta Xeryahaas,waxaa iska kaashan doona Dowladaha Carabta iyo kuwa reer Galbeedka.

Puntland,ayaa dhawaan marti galin doonta kulamo Safiirada caalamka iyo deeq bixiyayaasha Somaliya.

Jibril Qoobey.