Faallo:-Geelle waa in aan loo ogolaan in uu yeesho Somaliya.!

Geelle in loo muujiyo Sokeeyanimo waa wax loo baahan yahay,balse waa in aan loo ogolaan in uu yeesho Somaliya.

Jabuti oo Somali ah ahna Jamhuuriyad Madaxbanaan oo sokeeya ah waa in loo tixgeliyaa.

Ismaaciil door weyn oo iskugu jira dhaqaale iyo abaabul Xildhibaanimo,ayuu ku lahaa doorashadii Xasan Shiikh.

Geelle iyo Somaliya”

Ismaaciil Somaliya,waxuu ka rabaa in ay noqoto Dowlad iyo Dad nugul oo isagu wax uyeeriyo ugana faa’idaysto dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaan .

Siyaasiyiintii iyo Ganacsatadii kasoo jeeday Beesha Isaaq ee deganaa Jabuti waa ka qaaday xilalkii iyo qandaraasyadii ay haysteen intoodii badnaydna waa ka saaray Dalka.

Sidoo kale,waxuu si cad uhor istaagaa wax walba oo dan u ah baadigoobka Beesha Isaaq ugu jirto Jamhuuriyad Madaxbanaan.

Siyaasiyiinta Majeerteenka,waa iska ilaaliyaa,waxuuna u arkaa loolan siyaasadeed oo khatar ku ah danihiisa gaarka ah iyo mida Qaran ee Jabuti.

Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Hawiye,waxuu ufahansan yahay in dantiisa iyo mida Qaran ee Jabuti ay ku jirto,waa soo dhawaystaa oo garabgalaa kana dhex raadiyaa danahaas.

Kulanka Heritage,waxuu ka mid yahay Barnaamijyada uu iskugu muujiyo Oday Somaliyed.

Haatan in Jabuti layskugu tago oo weliba Muuse iyo Xasan uu kulansiiyo waxay isaga utahay fariin uu udirayo Asiyaas iyo Abiy oo ay ku loolameen si Siyaasi ah Geeska.

Muhiimadu waa in Madaxweyne Xasan muujiyaa awood hogaamineed oo Gacana Geelle ku haystaa Gacana Somaliya oo Qaran ah oo aan geli karin Jeebka yar ee Geelle.

Jibril Qoobey.