Maloo maray Qeexidii Dastuurka xulida Xubnaha Maxkamada Dastuuriga ah Ee Puntland?

Maxakamada Dastuuriga ah ee Puntland,waxaa Dastuurku qeexayaa in ay ka koobnaato Xubnaha Maxkamada Sare oo lagu siyaadiyay Afar Xubnood.

Afartaas Xubnood Labo,waxaa soo xulaya Golaha Xukuumada Labana,waxaa soo dooranayaa Golaha Wakiilada.

Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah,waxaa noqonaya Gudoomiyaha Maxkamada sare.

Sidoo kale,waxaa Xoghaye unoqonaya Kaaliyaha Maxkamada Sare.

Go’aamadeeda,waxay waafajinaysaa Shareecada Islaamka ,Dastuurka iyo Xeerarka kale.

Sida muuqata Labadii ka imaanayay Golaha Wakiilada kuma imaan xeerkii Dastuurku qeexayay,waxaase Wareegto ku magacaabay Gudoomiyaha.

Si kasta oo ay tahay Bulshadu waxay ku faraxsan tahay in la dhamaystiray Garsoorkii oo la helay Maxkamadii Dastuuriga ahayd.