IMF Oo ku bogaadisay Somaliya hirgelinta dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF,ayaa warbixin ay soo saartay ku bogaadisay Dowladda Federaalka Somaliya hirgelinta dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha, waxayna soo jeediyeen in dadaal dheeri ah lagu bixiyo siyaasadda canshuuraha iyo dib-u-habeynta maamulka, oo ay ku jiraan casriyeynta kastamka iyo sharciga cusub ee canshuurta dakhliga.

“Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey’adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday” Ayaa lagu yiri warbixintan

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay warbixintan ay soo saartay hay’adda IMF ayaa yiri..

“Waxa aan soo dhaweynayaa Warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hay’adda IMF ee ku saabsan natajiida Shirarkii iyo wadatashiydii aan ka yeelanay dib-u-eegistii 4-aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya,warbixinta waxa ay muujineysaa isbeddel xooggan oo horumarka dhaqaalaha ah iyada oo ay jirto saameynta xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada soo wajahday Adduunka.”