Ugu danbayn Wasiir Juxaa iyo 5-Wasiir Oo helay xasaanada Baarlamaanka Puntland

Ugu danbayn dadaal xoog leh kadib Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,ayaa sii daayay dhamaan Wasiiradii xasaanada ubaahnaa ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Deni.

Waxaa Oggol ugu codeeyay 45-Xildhibaan,waxaa diidmo ugu Codeeyay 2-Xildhibaan,wax ka aamusay majiraan.

Xubnaha Golaha Wasiiradda ee xasaanada helay,ayaa kala ah..

  1. Wasiir, Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
  2. Wasiir, Maxamed Siciid Maxamed (Faroole), Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga
  3. Wasiir, Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
  4. Wasiir, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
  5. Wasiir, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Wasiiru- Dawlaha Madaxtooyada Dawladda Puntland.
  6. Wasiir, Maxamed Cabdirisaaq Dayib, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Fadhiga waxaa joogay 47-Xildhibaan.

Waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare.

Dhaarta Dastuuriga ah:

” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.”.

Jibril Qoobey.