Talyihii Nabadsugida Gobolka Gedo Oo Qarax lagu dilay

Taliyihii Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowladda Somaliya ee Gobolka Gedo Cabdirahmaan Cabdullahi Bakaal Kooke,ayaa lagu dilay qarax xalay ka dhacay degmada Luuq, isagoo ku sii jeeday degmada Doolow.

Masuuliyadda qaraxa,waxaa sheegtay Ururka argagixisada Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal,ayaa sheegay inay sameynayaan baaritaan madax-bannaan oo la xiriira dilka taliyaha NISA, isaga oo ka tacsiyadeeyay geeridiisa.

Dhinaca kalena, qoraal kusoo baxay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay’adda NISA,ayaa lagu sheegay in taliyaha hay’adda NISA Mahad Salaad, uu amray ‘baaritaan dhab ah’ oo ku saabsan kiiska taliye Bakaal Kooke.