Yaa lagu tuhmayaa dilka Talyihii Nabadsugida Gobolka Gedo?

Dilka Bakaal Kooke oo kasoo jeeda reer Axmed ee Mareexaan,waxaa lagu tuhmayaa in ay shirqooleen Kooxda Fahad maadaama Canjeex ay isku qabteen Maamulida Gobolka iyo Canshuuraha.

Sidoo kalle Fahad,waxuu Bakaal ku tuhmayay in uu Gacansaar la yeeshay Damjadiid iyo Daljir.

Dhuumaal oo ah Wasiirka Amniga isku Beelna ay kasoo jeedaan Bakaal,isla markaana jooga Kismaayo oo u waramay VOA idaacadii galabnimo wuxuu sheegay in uu hayo tuhumo shirqool oo uusan ka hordhacayn.

Tuhunka waxaa dhaliyey Miinada waxaa lagu xirey Kursiga Bakaal fadhiyay ilaaladiisii badnaydna waxba kuma noqon.

Gedo waxay noqotay Guri aysan cidnana lahayn oo ay ka muraadsadaan Fahad,Damjadiid,Daljir iyo Alshabaab.

Bakaal rabi ha’unaxariisto,janadiina haka waraabiyo.

Jibril Qoobey.