Deni iyo Laftagareen oo wada xaajoodkoodii kadib kusii jeeda Adis-ababa

Deni iyo Lafta-gareen Dowlada Itoobiya heshiis amni ayay horay ula gaareen hadana safar kooda Adis heshiis kaas,ayuu daba socdaa.

Beri oo Sabti ah,yaa la filayaa in ay ubaxaan Itoobiya.

Kulamadii Xalay Madaxtooyada Puntland ka dhacay si weyn ayaa layskugu af gartay.

Dhanka Lafta-gareen waxa uu sheegay in Villa Somaliya taageerada Amni iyo dagaalka khawaarijta ay uwakiilatay xubno ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,iyaga ayayna Ciidamada heer federaal uga dabayn doonaan dagaalka koonfurgalbeed ee Khawaarijta.

Madaxweyne Laftagareen,waxuu cadeeyay in uu si weyn uga Biyo diidsan yahay sida abaabulku usocdo.

Villa Somaliya way inkirsan tahay oo waxay taagan tahay reer Koonfur-galbeed iyo Laftagareen iyagu ha heshiiyaan dagaalkana yaan la siyaasadayn.

Xasan Shiikh waxa uu horay ubalan qaaday dagaalka lala galayo Khawaarijta Koonfurgalbeed in uu kala shaqayn doono Dowlad Goboleedka oo Lafta gareen wakiil ka yahay.

Lafta-gareen waxaa safarka Garowe ku weheliya Madax heer federaal ah oo saamayn leh waxaana ka mid ah Aadan Saran-soor,Fiqi iyo Xildhibaan kale oo heer federaal ah.

Madaxweyne Deni Itoobiya,kadib waxa uu ugudbayaa imaaraadka ugu danbayn Bosaso,ayuu kasoo dagi doonaa.

Jibril Qoobey.