Dhaqaalaha Alshaab ku helaan Canshuur ururintooda Gudaha Somaliya oo lasoo bandhigay

Warbixin si faahfaahsan uga hadlaysa habka Alshabaab u urursadaan Canshuuraha,ayay soo saartay Global Intviative.

Warbixintu waxay soo bandhigtay xogta cadadka dhaqaalaha usoo xarooda Alshabaab ee ka yimaada Canshuuraha ay ku ururiso gudaha Somaliya.

100-Milyan oo dolar,ayaa Sanadkii Alshabaab kasoo gala Canshuurta ay ka qaado Ganacsatada,Gaadiidleyda,Guryaha iyo Shacabka caadiga ah.

24-Milyan oo dolar oo Lacagtaas qayb ka ah waxay ku bixisaa qaybteeda Saadka Hubka.

Warbixintu waxay soo bandhigtay Gobolada Canshuurta uga badan ay ka hesho iyo waliba sida hanaankeeda Maaliyadeed uga hirgalay Goboladaas iskugina xiran yahay.

Cadaymo muujinaya Waraaqaha ay siiso Gaadiidka ay ka qaado Canshuurta,ayaa Warbixintu soo bandhigtay.

Gobolada Jubbooyinka,ayaa ah kuwa ugu badan iyo halka ay kasoo gasho Canshuurta.

Boqolkiiba Lixdan Canshuurta Alshabaab qaado waxay kasoo xarootaa Gaadiidka,iyadoo Gaarigiiba laga qaado 4-dolar ilaa 450-dolar.

Raashinka ayay ka qaadaa 2-dolar ilaa 975-dolar.

Xoolaha ayay ka qaadaa 2-dolar ilaa 10-dolar.

Warbixintan oo la uruuriyay 2015-2021,ayaa lagu sheegay qaybta uqaabilsan Alshabaab Canshuur ururinta in lagu magacaabo Maktabada Maaliyada.

Baaritaan lagu sameeyay 600-Rasiid oo kasoo baxay Maktabada Maaliyada ee Alshabaab,ayaa warbixintan lagu saleeyay.

Alshabaab waa koox argagixiso ah oo naxariis daran si hoosena udhex xushay Bulshada Somaliyed qaybaheeda kala duwan,gaar ahaan kuwa ku nool bartamaha iyo Koonfurta Dalka.

Dhaqaalaha xooga badan ee soo gala Alshabaab,waxuu usahlay dhexgalka Bulshada,fulinta amaradooda muuqda iyo kuwa qarsoon,maalgelinta Maleeshiyaadkooda dagaalama,kuwa fuliya qaraxyada iyo Madax jabinta.

Lacagtan ma’ahan mid Bulshadu raali ka tahay bixinteeda ee waa mid ay ku bixiyaan baqdin oo Baad ah,isla markaana ma awoodaan bixinteeda.