Imaaraadka Oo Xasan Shiikh umuujiyay gorgortan in uusan ka galayn xiriirka Deni iyo PL

Bilowgii kala taga Aaran-shaydaan iyo Madaxweyne Deni waxay isku sii daayeen Madaxweyne Xasan.

Mahad Salaad,ayuu Xasan Shire ugalay,waxuuna ugudbiyay Madaxweyne Xasan.

Kulamadaas kadib,waxay isla qaateen in Dowlada Xasan taageerto Aaran-shaydaan.

“Deni Anagaa wax ka dhignay haatana Taraha Anagaa leh ee na taageera”Waa soo jeedintii Aaran-shaydaan.

Qorshe uu qayb ka ahaa in 20-Qof oo Nisa ka tirsan laga hawlgeliyo Puntland oo Mahad hogaaminayo,ayaa la diyaariyay.

Balse si dhakhso ah,ayuu Deni ku ogaaday,waxaana xogtii faraha laga saaray Imaaraadka.

“Khad Cas,ayaad ka gudbaysaa ee Deni iyo PL haku deg-degin hadaad taageero naga rabto”Ayay Imaaraadku si cad ugu gudbiyeen Madaxweyne Xasan.

Imaaraadku waxay muujiyeen sida ay ugu adag yihiin xiriirka Deni oo aysan gorgortan uga galayn.

Haatan Saldhiga Bosaso Imaaraadku kuma tixgelinayaan Xasan iyo rabitaankiisa oo waa qorshe dan Qaran u ah oo hadafkiisu yahay ilaalada Badda Cas.

25-ka Milyan ee Dolar Xasan wax waa ka heli karaa,balse Saldhigu ma hoos imaanayo Maamulkiisa iyo dhaqaalihiisa isaga.

Jibril Qoobey.