Loolanka hogaaminta Puntland 2024 iyo saamaynta Islaan Bashiir

Islaanka Laba Kooxood,ayaa ku tartamaysa in ay isgaanbuursi Siyaasadeed lagalaan,kuwaasoo kala ah…

Aaran-shaydaan?!

Waxay ula tageen in uu la dhisto Dowlad oo uu ku garabsiiyo Madaxweynaha soo socda ee Puntland.

Dowladaas,waxay uga ogol yihiin Wasiirka Maaliyada oo isagu uu keensado.

Doorka Islaanka ay garabka kaga rabaan waa 11-ka Xildhibaan ee Mudug kasoo baxa.

Aaran maxay tahay Siyaasadoodu?

Maleh Siyaasad qiyam ku dhisan oo mabaadii ka duusha ilaalisana danaha iyo jiritaanka reer PL.

Somaliland uma yaqaanaan Maamul loolan ku ah PL oo Dhul iyo Dad kula tartamaya,mana fahansan qaacidada ah ..SL=SNM=Alshabaab.

Midnimada reer PL lama weyna Siyaasadooduna waa Maxali ka dhex shaqaysata gudaha oo aan dhaafsiisnayn Galkacyo iyo Bosaso.

Dhaqaale raadintu waa yoolkooda iyo cabirkooda kamana galaan gorgortan oo waliba waxbay ku dilaan helidiisa.

Kooxda Labaad waa Fahad?!

Waxuu Fahad ka doonayaa slaanka in uu Dowlad la dhisto oo uu garabsiiyo Laba Nin oo uu Madaxweyne PL la rabo waa Gabkax iyo Cabdi-siciid.

Islaanka,waxaa laga rabaa Xildhibaanada Mudug iyo kuwa Gobolada kale in uu ka hawlgalo.

Dowladaas in uu Geed fadhi ka noqdo,ayaa loo ogol yahay Wasiiradeeda qayb keensado laguna tixgeliyo.

Hadafkoodu,waa in ay Puntland hogaankeeda helaan si ay Villa Somaliya markale ufuulaan.

Kabanka Siyaasadeed ee la garaacayo Laxankiisu yahay,waxuu yahay Daaroodiisim oo Islaanka waxay usoo jeediyeen Shir Daarood oo Mudug lagu qabto iyaguna maalgaliyaan in uu qabto.

Fahad maxay tahay Siyaasadiisu?.

Waa Fadaraal diid.

Waa Puntland diid.

Waa Daarood diid.

Waa Dimuqraadiyad diid.

Waa Nin cuqdad iyo ciil qaba.

Labadaas kooxoodba Siyaasadoodu Dadkiisa dan uma ahan,taa badalkeedana khatar ayay ku yihiin.

Jibril Qoobey.