Maqaamkee ku saxiixay heshiiska dhismaha Dekeda Bosaso Xasan Deni?

Saxiixa heshiiska dhismaha Dekeda Bosaso ee ka dhacay Imaaraadka,waxaa qayb ka ahaa Xasan Cabdullaahi Deni oo ay Walaalo laxmiya yihiin Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Wakiilka Xaafiiska Madaxweynaha Puntland,ayuu ku saxiixay darafkiisa heshiiska Xasan Cabdullaahi Deni.

Waa wax laga yaxyaxo Qof in uu ku dhexgali Shaqada Dowlada in ay Walaalo yihiin Madaxweynaha.

Shirkada dhisaysa Dekeda Mulkiyadeeda,waxaa isla leh Imaaraadka iyo reer Deni.

Sidoo kale Shirkada dhisaysa Garoonka diyaaradaha Bosaso,waxaa wada leh reer Deni iyo Imaaraadka.

Korontada iyo Biyaha Macaan ee Bosaso,waxaa qandaraaskeeda haysta reer Deni.

Qaadka,waxaa qandaraas ku haysta Wiilka Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Hotel Marti-soor Garowe si cadaadis ah,ayaa Madaxweynaha looga siiyay Boqolkiiba Toban Share ah oo udhigma 300-kun oo Dolar.

Xaqiiqdii kuwani waa ceebaha astaanta foosha xun uyeelay hogaaminta Madaxweyne Deni.