Ma dhabaa in 30-Qof Oo Somali ah laga helay Maydkooda Wadanka Zambia?

Meydadka dad ku dhow 30 muhaajiriin ah oo la sheegay in ay ka soo jeedaan dalka Ethiopia,ayaa saakay laga helay xaafad ku taalla duleedka magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia.

Meydadkaasi,ayaa mas’uuiyiinta jaaliyadda Soomaalida ee Zambiya ay sheegeen inaysan Soomaali ku jirin, iyada oo markii hore wararka horudhaca ah ay sheegeen inay Soomaali ay ku jirto.

Maxamed Maxamuud Hiiraan Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida ee Zambia oo waraysi siiyay Idaacada VOA,ayaa xaqiijiyay in Maydadkaas aysan Somali ku jirin.

“28 Mayd ah iyo Hal Qof oo weli nool,ayaan utagnay,waxaana xaqiijinay in aysan Somali ahayn markaan aragnay muuqaalkooda,Dukumiintiyadooda iyo Luuqada uu ku hadlayay Qofka nool”Ayuu yiri Hiiraan.

Booliska iyo Warbaahinta maxalliga ah oo markii hore Maydadka ku sheegay in ay Somali yihiin,ayuu sheegay Gudoomiyaha Jaaliyadu in ay ka saxeen Warka oo ay dib usoo saareen warsaxaafadeed ay ku cadaynayaan dhalashada Dadka Geeriyooday.

Dadkan,ayaa loo malaynayaa in ay Tahriib ahaan kusoo galeen Zambia laguna soo qariyay Gaari Kunteenar ah,sida uu sheegay MM.Hiiraan.