Madaxweyne Xasan Oo si cad uga wareejiyay Puntland Mashaariic ay xaq ulahayd

Waa ku garab siinaynaa Madaxweyne Deni ka hor imaadkiisa Madaxweyne Xasan Shiikh ee danaha horumarineed ee Puntland.

In uu uleexiyo Jabuti Qandaraaska Tababarada Ciidamada Somaliya ee Puntland loo ogolaaday,waa dagaal toos ah oo horumarka lagula dirirayo.

In uu hor istaago Madaxweyne Xasan Saxiixa Saldhig Imaaraadku ka samaysto Bosaso,isagoo ka duulaya in aysan jirin Beeshiisa maahee Somali kale oo wax ka hesha dhaqaalaha Caalamku geliyo Somaliya waa waxaan la qaadan karin.

Xasan,waxuu rabaa in Imaaraadku dib ugu soo laabto Xamar si dhaqaalaha ku baxa Saldhigooda uu ugalo reer Muqdisho oo kaliya.

Iyadoo la og yahay in Xamar iyo Agagaarkeeda ay ku yaalaan Saldhiga,Turkiga,Xerada Xalane iyo Balli-doogle.

Madaxweyne Deni waxaa laga rabaa in uu arimahan uwajaho si heer Puntland oo uusan isku soo koobin kana dhigin mid Shaqsi.

6-bilood kadib Xasan Shiikh,waxuu lasoo laabtay hab dhaqankiisii hore ee lagu yaqaanay.

Jibril Qoobey.