Ninkii sameeyay Bamkii lagu soo riday Diyaaradii ku dul burburtay Lockerbie Scotland Oo la qabtay

Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka,ayaa sheegtay in hay’adda dembi-baarista ee FBI ay gacanta ku hayso sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Liibiya.

Sarkaalkan,ayaa loo haystaa in uu sameeyey bamkii soo riday diyaaraddii rakaabka ee Maraykanku lahaa ee sannadkii 1988-dii ku burburtay Magaalada yar ee Lockerbie ee ku taalla Scotland.

Sarkaalkan,ayaa loo soo gacan geliyey Dowladda Maraykanka, waxaana haatan la qorshaynayaa in Maxkamad lasoo taago.

Ninkan oo lagu magacaabo Abu Agela Mascud Kheir al-Marmimi,ayaa xarigiisu ka dambeeyey, ka dib dedaal muddo socday oo la doonayey in caddaaladda lagu horkeeno, si loogu maxkamadeeyo dembiga loo haysto.

Laba sano ka hor ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha Maraykanka ee xilligaas William Bar, uu ku dhawaaqay dembiyo lagu soo eegayo eedaysane Mascud, iyada oo loo hayso inuu farsameeyey bamkii ku qarxay diyaaradda la soo riday.