PL iyo KG Oo ay ubadan tahay in ay qaadacaan Shirka Amniga Qaranka Ee Muqdisho

Shirka 24-ka ilaa 27-ka ee ay iskugu imaan lahaayeen Madaxda Qaranka waxay ubadan tahay in ay qaadacaan PL,KG iyo JL.

Axmed Madoobe iyo Deni oo kala fogaa,waxaa si fiican udhexgalay Laftagareen oo JL waxay kusoo biiraysaa diidmada Xasan lagala hor imaanayo.

Sidoo kale Qoor-qoor,ayaa muujiyay raali ka ahaansho dhaqdhaqaaqa ay wadaan PL iyo KG,inkastoo uusan ismuujin.

Shirkaas oo muhiim u ah Geedi socodka Dowladnimada Somaliyed ayay Maamuladu ku diidan yihiin Madaxweyne Xasan oo ka cago jiiday balamo horay layskugu ogaa.

Hadaan ka hor wakhtigaas aan la gaarin isfahan in uusan qabsoomin Shirkaas ayay ubadan tahay.

PL waxay ka carootay Mashaariic horumarineed oo Xasan ka baxay Saxiixooda oo laysku ogaa.

Laftagareen,waxuu ka biyo diidsan yahay abaabulka Xamar ka socda ee isaga ka dhanka ah.

Halka JL aysan ku qanacsanayn sida Xasan ula dhaqmayo,qorshaha abaabulka Macawisleyda iyo faragelinta Gobolka Gedo.

6-bilood oo Madaxweyne Xasan muujiyay siyaasad degan oo isku wadid Odaytinimo ka muuqato kadib,waxaa Dalku galay hubanti la’aan Siyaasadeed.

Wada shaqayn la’aanta Dowlada Dhexe iyo DG waxay sababaysaa in hakad ku yimaado Laba arimood oo muhiim ah kalana ah…

B.Dayn Cafinta
T.Dagaalka argagixisada.

Jibril Qoobey