Booliska Kenya Oo qabtay Xubno Alshabaab ka tirsan

Booliska Kenya ee ka howl gala Magaalooyinka Wajeer iyo Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari,ayaa gacanta ku dhigay Lix Nin oo Ajaanib ah oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al.-Shabaab, sida ay tebiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Taliska booliska,ayaa sheegay in shakhsiyaadkan lagu qabtay meelo kala duwan xilli ay isku dayayeen in ay dhuumasho kuso galaan Kenya.

Lama shaacin magacyada ragga la qabtay iyo Waddamada ay kasoo kala jeedaan, hase yeeshee saraakiil Boolis ah ayey warbaahinta maxalliga ah kasoo xigatay in la tuhunsanayaasha la qabtay ay kasoo baxsadeen Xeryaha tababarka Al-Shabaab.

BBC.