Dhex-dhexaadin laga dhexwado Aadan-Madoobe iyo Lafta-gareen

Aadan Madoobe,waxaa la kulmay safaarada Ingiriiska oo ukala dab qaaday isaga iyo Lafta gareen.

Beesha caalamka,waxay ka wal-walsan tahay in dagaalka argagixisada,waxayna ugu baaqeen in aan la siyaasadayn.

Madaxweyne Laftagareen,waxuu usheegay Beesha Caalamka in uusan diidanayn Shirka Wadatashiga balse dib loogu dhigo.

Aadan Madoobe,waxaa culays ka saaran yahay gudaha Baarlamaanka,waxuuna rabaa in uu uweeciyo dhanka Lafta gareen.

Lafta-gareen,waxuu ku jiraa diyaar garow Siyaasadeed,waxaana uga harsan mudo xileed kiisa ilaa 8-Cesho.

Xildhibaanada heer Federaal ee Koonfur-galbeed badankood waxay la safteen Lafta-gareen,waxayna sheegeen hada in lagu jiro diyaar garoow dagaal dibna loo dhigo hardanka Siyaasiga ah.

Reer Koonfur-galbeed,ayaa la filayaa dhawaan in ay galaan heshiis Siyaasadeed oo doorashada laga gaaro iyo gogol nabadeed oo dhinacyada Siyaasada isku haya ah.

Jibril Qoobey.