Kenya dareen soo dhaweyn ah miyay uhaysaa Aqoonsi raadiska Somaliland?

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma,ayaa qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay Axaddii ku sheegtay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay Somaliya iyo Somalilland uga go’an tahay in ay sii wadaan Waddada wadahadaladda.

“Hogaamiyayaasha Somaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta 8-da December”.

Su’aalaha lays waydiin karo waxay yihiin..

Kenya maxay dareenka gaarka ah usiisay wadahadalada Dowlada Fadaraalka iyo Maamulka Somaliland?

Maxayse u isticmaashay Latiyaha Amniga Qaranka Erayga ah “Somaliya iyo Somaliland”?

Saw uma muuqdo hadalkeedu is barbar dhig Laba Jamhuuriyadood?

Saw looma fasiran karo in Kenya ay soo dhaweyn uhayso aqoonsi raadiska Gobollada Waqooyi ee Somaliya?

Hadalka Lataliyaha Amniga Qaranka,waxuu udhigmaa faragelin hoose oo aan xuduud lahayn.

Jibril Qoobey.