Laahoor Oo dirqi kaga baxsaday Ciidamada amaanka Puntland

Hawlgal ayay ka fuliyeen saakay barqadii Tuulada Talal ee ka tirsan Degmada Qandala ee Gobolka Bari,kaasoo qorshuhu ahaa in lagu soo qabto Laahoor.

Waxyar,ayuu kaga baxsaday Ciidamada amaanka Laahoor kadib markii Gurigiisa oo ku yaal Tuulada ay Ciidamadu ka hawlgaleen.

Laahoor waa Madaxii Shabakadii la fashiliyay ee argagixisada Dadka ku layn jirtay Gobolka Bari.

Baxsad,ayuu ku maqan yahay kadib markii Maxkamadu xukuntay Gacantana lagu dhigay kooxdii kale ee Dadka la layn jirtay.

Jibril Qoobey.