Video:-Madaxweyne ku xigeenkii Baarlamaanka Yurub Oo Laaluush lagu qabtay

Eva Kaili waa 44 jir noqotay Madaxweyne ku xigeenka baarlamaanka Yurub janaayo 2022 kana soo jeeda Giriiga.

Waxay ka mid ahayd 14-ka ku xigeen Baarlamaanka Midowga Yurub.

Caawa waa xirantahay baaritaana waa ku socdaa,waxaa loo haystaa laaluush 630-kun dolar ah in ay ka qaadatay Wadan Khaliijka ku yaal oo loo badaniyo Qatar.

Lacagta 630-kun oo dolar,waxaa laga helay Gurigeeda dhexdiisa baaritaan lagu sameeyay kadib.

Xildhibaan Giriig ah oo la wareysatay,ayaa sheegay in ay taageertay ku tumashada Qatar ee xuquuqda bani’aadamka,gaar ahaan Shaqaalihi garoomadda dhisayey.

“Waxay ku kacday wax kasoo horjeeda qorshihi yurub ay ku eedaynaysay Qatar ee ku tumashada xuquuqda Shaqaalaha Garoomada”Ayuu yiri Xildhibaankaas oo warsysi siiyay DW.

Waxaa lala xiray Afar Qof oo kale,waxaana laga joojiyay Shaqadii iyo awoodaheedii Baarlamaanka Yurub.

Sidoo kale Xisbiga Hantiwadaaga ee Giriiga oo ay Xubin ka ahayd,ayaa banaanka laga dhigay.

Yurub maalin xun ayey u tahay in gacanta lagu dhigo fadeexadan weyn oo ka dhex qaraxday Baarlamaankeedii.

Jibril Qoobey.