Shiikh Aadan Madoobe Oo gaaray Degmada Xudur

Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Barlamaanka Fadaraalka Somaliya Shiikh Aadan Maxamed Madoobe,ayaa gaaray Degamada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Waxaa garoonka diyaaraha Xudur Waftiga Gudoomiyaha kusoo Soo dhoweeyey Maamulka Gobolka Bakool Kan Degmada Xudur, saraakiil Ciidan Iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Xudur ku nool.

Shiikh Aadan Madoobe,ayaa Xudur Ka bilaabay kulamo kala duwan asigoona xarunta Madaxtooyada Xudur kulamo kula qaadanaaya Maamulka Degmada.