Laftagareen iyo Mucaaradka KG Oo la dhex-dhigo doono heshiis

Shiikh Aadan Madoobe,waxuu wadaa dadaal dhex-dhexaadin ah oo Hal Sano loogu darayo mudo xileedka Madaxweyne Laftagareen.

“Meesha Ninka kama qaadi karno oo Ciidan mahaysano,Dowladna kama jirto oo Madaxweyne ku xigeen maleh,Afhayeenkii Baarlamaankana,waxuu noqday 6-bilood ka hor Xildhibaan Fadaraal,waxba ma yaalaane yaanan xaalka uga sii darin”Ayuu ku doodayaa Aadan Madoobe.

December 2023 aan ugaarsiino mudo xileedka kulana heshiino in uu doorasho qabto,ayuu soo jeediyay Sh.Aadan Madoobe.

Gudoomiye Sh.Aadan Madoobe Aragtidaas waxay kuwada socdaan Madaxweyne Xasan Shiikh.

Xogahan oo aan ka helay masuuliyiin heer Fadaraal iyo heer DG ee Koonfur-Galbeed waxay sheegayaan in ay ubadan tahay in heshiiskaas uu wado Aadan Madoobe lawada qaato.

Madaxweyne Laftagareen December-tan ayay kaga eg tahay mudo xileedkiisa Sharciga ah.

Jibril Qoobey.