Maxay ka dhigan tahay Deeqda Maraykanka Ee Afrika?

Maraykanku,waxuu Afrika ugu deeqay 55-Bilyan oo dolar 3-sano ee soo socota.

Halka Shiinuhu lasoo shir tagey 15-Bilyan oo dolar.

Sanadaha soo socda Caalamku,waxuu ushaqo tagayaa Afrika si maalgelinta Maraykanka looga faa’idaysto.

Aadbaa Maanta loo hadal hayaa dhaqaalahan xooga badan ee sida la yaabka ah Maraykanku ugu dhawaaqay in uu gelin doono Afrika.

Qaarada Afrika waa Dhul dihin oo kaydka caalamka ah,waxaana la joogaa xiligii laga faa’idaysan lahaa.

Afrika sida Wadamada Khaliijka Saliid kaliya hodan kuma ahan ee waxay dheer yihiin Khayraad kala duwan iyo Deegaan Dhuleed siyaabo badan looga faa’idaysan karo.

Sida muuqata Reer Galbeedku Qarniga soo socda waxay maalidoonaan Miida Afrika.

Nus Qarnigii lasoo dhaafay Saliida Wadamada Carabta ayay kusoo moodeen reer Galbeedku.

Haatan Carab dhaqaalaheed waa wax Gacan ku jira iyo wax la isticmaalay.

Jibril Qoobey.