Siyaasada gudaha Ee Somalidu intay jilicsan tahay mida dibaduna macno yeelanmayso

Eeda bahdilka nagu dhacay isagu malaha ee waa guud ahaan waxay Somali wada leedahay.

Maqaamka hoose ee loola dhaqmay Madaxweynaha Somaliya ma’ahan mid isaga shaqsiyan ilhaamo ku ah ee waa guud ahaan Qaranka.

Waxa laysku qiimeeyo waa awooda iyo miisaanka Dowladnimo ee aad haysato,taasna Anagu mahayno Maanta.

Kala qaybsanaanta gudaha waa liidashada muuqaalkeena dibada.

Weli mahayno hogaamiye fahmay ama uhakaday midaynta Siyaasada gudaha iyo dib udhiska Dowladnimo lawada leeyahay.

Sida muuqata ugu yaraan 10-ka sano ee soo socota xaalkan Somalidu waa kusii jiraysaa.

Xasan Shiikh oo ahaa Siyaasigii ugu Da’da,khibrada iyo mudada dheeraa Siyaasiyiinta hada shaqeeya 6-bilood kadib,waxuu dib ubilaabay Wadadii lagu soo fashilmay.

Hogaamiye Qabiil oo luminaya sawirkii Qaran.

Jibril Qoobey.