Madaxweyne Deni oo kulan iskugu yeeray Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland

Garoowe: 14 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kulaa qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay diyaargarowga Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland oo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ay bilowmi doonto 5-ta January 2023, Sidoo kale waxaa laga hadlay Amniga iyo Horumarinta degmooyinka iyo Gobollada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Guddoomiyeyaasha warbixinta xaaladda guud ee degmooyinka iyo Gobollada Puntland, wuxuuna Kula dardaarmay in ay sii horumariyaan dadaalka iyo u adeegida Bulshada iyo Sidii la isugu diyaarin lahaa si dhameystiran Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil Madaxtooyo.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.