Sacuudiga oo dhaqaale iyo Saad Mileteri ku taageeraya dagaalka argagixisada Ee Dowlada Somaliya ay ku jirto

Boqortooyada Sacuudiga,ayaa balanqaad usamaysay weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliya ee qaybta ka ahaa Shirweynihii Carabta iyo Shiinaha.

Madaxweynaha Somaliya oo kulan gaar ah la qaatay Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga MBS,ayaa si rasmi ah uga codsaday in Sacuudigu ka taageero la dagaalanka argagixisada.

“Dagaal baan ku jirnaa meel fiican noo maraya,waana kasii adkaanaynaa xagjiriintii ee hanala taageero”,Waxuu ahaa codsigii Somaliya.

MBS,ayaa codsigaas aqbalay kuna amray Wasaaradiisa Gaashaandhiga in ay isku dubarido dalabka Dowlada Somaliya.

Sidoo kale,waxuu balanqaaday taageero dhaqaale Maxamed Bin Salmaan.

Sida la filayo wefti uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya oo ay qayb ka yihiin Gudi saraakiil Ciidan ah,ayaa gaari doona Sacuudiga si ay ugu gudbiyaan baahiyaha Hubka iyo Saadka ee loo baahan yahay.

Taageero dadban oo Dowlada Maraykanku ay siisay Dowlada Somaliya,ayay ku heshay balanqaadkan iskugu jira Dhaqaalaha iyo Saadka Milateri.

Jibril Qoobey.