Yaa hortaagan fadhiyadii Baarlamaanka Fadaraalka?

Baarlamaanku,waxuu uxiran yahay Villa Somaliya iyo imaanshaha Madaxweynaha Fadaraalka ah,sida xogihii ugu danbeeyay sheegayaan.

Mooshin ay saxiixeen 120-172 Xildhibaan qiyaas ahaan,ayaa diyaarsan oo ka dhan ah Sacdiyo Salaad.

Balse,waxaa ka war wareegaya in ay qabtaan Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Labaad.

Aadan Madoobe markii loo geeyay,waxuu ku dooday markii hore Anigu kusime Madaxweyne,ayaan ahay maqaban karo,markii Labaad oo ay Xildhibaanadu kula doodeen natus meel Xeerka ay kaga taal kusime Madaxweyne ma qaban karo Mooshin,waxuu uduulay Xudur.

Sacdiyo,waxay hada garab ka heshay Xildhibinaadii Damjadiid iyo Villa Somaliya oo dareemaya waxa loo socdo iyada in aysan ahay ee ay tahay Xasan Shiikh ugu danbayn.

Dhamaan isbahaysiyada Xildhibaanada saamaynta ku leh,ayaa ka midoobey sidii Sacdiyo meesha looga saari lahaa,waxaana ka mid ah,Sh.Shariif,Khayre,Deni iyo Laftagareen.

Waxa ugu weyn ee loo socdo waa in Kursiga ay ku fadhido qolo walba Qof gaysato.

Gudoonku,waxay rabaan inta Madaxweynuhu soo laabanayo in ay ka war wareegaan furida Golaha iyo qabashada Mooshinka.

Jibril Qoobey.