Abiy oo la kulmay Biden iyo Xasan Shiikh oo weli sugaya la kulankiisa

Ilaa iyo hada Madaxweynihii Somaliya lama kulmin Biden halka Abiy fursad loo siiyay la kulankiisa.

Itoobiya waa nooga miisaan culus tahay caalamka haday noqon lahayd Galbeed,Bari,Carab iyo Afrikaan.

Reer Galbeedku waxay diyaar uyihiin in ay Itoobiya garabgalaan oo ka saaraan xiliga adag.

Caawinta ugu weyn waa Laba arimood oo kala ah..

B.In dib loogu bilaabo dhaqaalihii lagu kabi jiray Miisaaniyadeeda ee Deeqda ahaa.

T.In Ciidamada Eretereya laga saaro Gobolka Tigree si uu rasmi ahaan ugu dhaqangalo heshiiska.

Eretereya,waxaa gudaha Itoobiya ka jooga 28-kun oo Ciidan,waxaana uga baxay kharash badan dagaalkii Tigreega lala galay.

Sidoo kale Asiyas,waxuu ku waayay Saraakiil muhiim u ahaa.

Haatan ka bixida Dhulka Tigreega,waxuu shardi kaga dhigay Magdhow la sheegayo in uu gaarayo 200-Milyan oo dolar.

Jibril Qoobey.