Labadii Xisbi Ee ku loolami jiray Siyaasada Denmark oo dhistay Dowlad wadaag ah

Labadii Xisbi ee ugu awooda weynaa Siyaasada Denmark,ayaa wada dhistay Dowlad ay ku midaysan yihiin.

Waxaa kula jira midowgan Xisbi yar oo lagu magacaabo Centrist Moderate oo uu hogaaminayo Ra’isalwasaarihii hore ee Dalka.

Social Demokratik,ayaa qaatay Ra’isalwasaaraha Dalka,waxaana sii hogaaminaysa Dalka Gabadha shaqada soo waday.

Halka ay qaateen ku xigeenka Ra’isalwasaaraha iyo Wasiirka Difaaca Xisbiga Midig-dhexe ee Libaraal.

Waa Labadii Xisbi ee Siyaasada Denmark ku loolamayay waxayna kala ahaayeen Bidix-dhexe iyo Midig-dhexe.

Waa isbahaysi aan caadi ahayn oo la mid ah Dimuqraadiga iyo Repuplican-ka Maraykanka oo ku midoobay hal Dowlad.

Dadka falanqeeya Siyaasada Denmark,ayaa ku doodaya in Social Dimuqraadigu uguuray siyaasadii ad-adkayd ee Midig Dhexe,waxaana meesha ka baxay Siyaasadii dheelitirnayd ee Denmark.

Waxaa la oran karaa,waxaa midoobey awoodihii Siyaasadeed iyo Dadkii ugu saamaynta badnaa Siyaasada Denmark.

Waxaa la yasay oo doorkoodii la tuuray Xisbiyadii yar-yaraa ee lakala midoobi jiray Labadan Xisbi.

Jibril Qoobey.