Maxaa looga xaajooday Shirka Khamiislaha ah Ee Golaha Wasiirada Fadaraalka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay safarkiisi degmada Aadan Yabaal oo shalay isaga iyo wafdigiisa uu si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Mudane Xamse ayaa ka warramay xaaladda nololeed ee degmada oo uu sheegay in Khawaarijtu dhibaatooyin dhinac walba ah ay u geysteen shacabka ku noolaa degmada, isla markaana maanta ay dib u heleen xorriyad buuxda. Wuxuu ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee naftooda u huray sidii looga xorreyn lahaa degmada.

Waxaa sidoo kale isna Golaha Wasiirrada warbixin siiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane, Salah Jama, oo ka warramay shirarkii uu kaga qaybgalay dalalka Niger, Jabuuti iyo Angola, oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira isbeddelka cimillada, amniga iyo isu dheelitirka horumarka dhaqaalaha dalalka Afrika.

Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa lagu soo bandhigay laba hindise sharciyeed oo ay Golaha u soo bandhigeen Wasaarada Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta.

—-DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia