Xasan Sh.“Nafta aad u hurteen Somaliya iyo doorka aad ka qaadateen jabinta argagixisada waa wax cajiib ah”

Madaxweynaha Somaliya,ayaa ku amaanay Kenya doorka ay ku leedahay horumarinta Nabadda Gobolka.

“Nafta aad u hurteen Somaliya iyo doorka aad ka qaadateen jabinta argagixisada waa wax cajiib ah”Ayuu ku yiri Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhigiisa Kenya Ruto.

Dhankiisa Madaxweyne William Ruto,ayaa sheegay in xasiloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay Nabadda Somaliya.

Waxa uu xusay in madaxdu ay tahay in ay iska kaashadaan sidii looga adkaan lahaa argagixisada Gobolka.

“Kenya iyo Somaliya wax badan ayaa ka dhexeeya waa inaan xaqiijinaa inay jirto xasillooni si aan gaarno barwaaqo ,”Ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweyne Xasan,waxaa lagu amaanaa wada shaqaynta uu umuujiyay Dowladaha dariska ah.

Kulanka Labada Madaxweyne,ayaa ka dhacay Maraykanka Khamiista Maanta ah.

Jibril Qoobey.