Warbixin Xasan Shiikh laga diyaariyay oo ku noqotay Waji-gabax

Madaxweyne Xasan sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah,waxaa caqabad ku noqotay warbixintii ugu danbaysay ee laga gudbiyay.

Warbixintan,ayaa waxay tilmaamaysaa in Madaxweyne Xasan ku astaysan yahay Laba arimood oo kala ah..

1.Musuq isaga iyo Qoyskiisa ah.

2.Marooqsi awoodeed ama baahi Xukun uu ku inkirayo Hay’adaha Fadaraaliga ah sida Golaha fulinta.

Warbixintan midii ka horaysay ee laga diray Madaxweyne Xasan waxay tilmaamaysay jiho fiican in uu usocdo markii la qiimeeyay la dagaalanka argagixisada iyo maamulka.

Sida xoguhu sheegayaan warbixintan waxay saamaysay kulamadiisii Shirka Maraykanka iyo Afrika.

Deeqda Maraykanku gelinayo Afrika,waxuu ku xirayaa Shuruudo ay ka mid yihiin heerka musuqa iyo Maamul wanaaga.

Jibril Qoobey.