Video:Maraykanku maku qancin karaa Afrika in uu uga wanaagsan yahay Shiinaha?

Si la yaab leh ayay udooday Maama Arikana oo ah Diblomaasi ka tirsan Midowga Afrika iyo hormuud qurbajoogta Afrika.

Doodeeda,ayaa ku salaysan xiriirka Afrika iyo Maraykanka.,waxayna taabatay halka sartu ka qurunsan tahay iyadoo talo dhaxalgal ah udirtay Maraykanka.

“Maraykanku waa in ay u arkaan Afrika wax la siman oo xushmeeyaan Madaxdooda iyo aragtidooda Siyaasadeed”Ayay tiri Arikana.

Waa in aan Afrikaanka inta loo yeero loo sheegin waxa ay samaynayaan iyo waxa laga rabo.

Kulanka Maraykanka iyo Afrika waa in uu noqdaa mid Qodobada looga xaajoonayo ay soo wada diyaariyeen Labada dhinac oo uusan noqon mid Maraykanku soo diyaariyay ama aan Ajandaba lahayn.

Khatarta ugu weyn ee uu wajahayo xiriirka Afrika iyo Maraykanka waxay ku tilmaantay Cunsiriyada soo jireenka ah oo loo arko waxa Afrikaanku in ay liitaan,waxa Yurubiyaankuna ay sareeyaan.

“Shiinaha oo kula tartamaya Afrika ayay sheegtay in uu sidaa udhaqmay balse markuu arkay in aysan Afrikaanku aqbalayn oo ay soo jeedaan jiil waxbartay oo ilbaxana ukaceen wuu badalay dhaqankaas,waxuuna la yimid qorshe sinaan muujinaya”Ayay tiri Arikana.

Maraykanka iyo Afrika,waxaa ka dhaxeeya xiriir dhinacyo badan leh oo iskugu jira Dad,Diin,Dhaqan iyo Siyaasad waana uga door fiican yahay Shiinaha haday qaataan talada Diblomaasiyadan aragtida saraysa.

Maraykanka,waxaa hortaal in uusan lumin saamayntiisii Afrika,isagoo hadana ilaalinaya Dimuqraadiyada,Musuqa,xuquuqda Aadanaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Shiinuhu Qodobadaas midna ma tixgeliyo,waxuuna la shaqaystaa Dowlad walba oo oo Afrikaan ah.

Halkan ka daawo Waraysi ay si adag uga dooday

Jibril Qoobey.