Yaa dhabarka ka riixaya Mucaaradka Madaxweyne Laftagareen?

Mucaaradka Laftagareen Dawlada Dhexe taageero kama haystaan.

Gudoonka Golaha Shacabka isna taageero kama haystaan.

Sidoo kale dhanka Baydhabo iyo Koonfur-galbeed kama haystaan taageero.

Balse aragtidooda ah in sharciga la dhowro waa ku saxan yihiin oo mudo xileedka la ilaaliyo.

Meel kasta oo mucaarad laga helo waa meel waxuun sharci ah ka jiro,waana tilmaan fiican.

Siyaasiyiinta reer Koonfur-galbeed waa in ay iyagu ka heshiiyaan nidaamkooda Dowliga ah iyo Doorashadooda.

Madexweyne Lafta gareen iyo Gudoomiye Sh.Aadan Madoobe iyana waxaa laga rabaa qancinta Mucaaradka.

Si gaar ah Madaxweyne Laftagareen,waxaa looga fadhiyaa in uu dhamaystiro nidaamka oo la helo Madaxweyne xigeenkii iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka.

Dawlad Goboleedyada,waxay ku doodayaan mudo xileedkooda in ay ka dhigteen 5-sano sida Puntland oo ay doorashooyinkooda halmar wada qabanayaan 2024 bisha koobaad.

Damacaas Dawlada Dhexe waa qabtaa si dhamaan Dawlada Dhexe Iyo Dowlad Goboleedyadu Doorasho Guud uga dhacdo mudo siman doorashadaasu noocay rabto haku dhacdee.

Dawlad Goboleedyada qaar sida Galmudug waxayba sii diyaar sadeen Gudiga doorashada halka Koonfur-galbeed iyo Jubaland ay Gudiga doorashada dhisayaan dhawaan.

Marka dhan ka laga eego waa wax qurxoon in Labada heer ee Dowladnimada Somaliya ay yeeshaan Laba mudo doorasho oo la yaqaan oo aan laga baaqsan karin.

Halkan ka akhriso Warka Mucaaradka:-

Jibril Qoobey.